Maxaa ka jira in C/raxmaan C/Shakuur Muddo kooban lagu xanibay garoonka Aadan cadde?

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo ka mid ahaa wufuud maanta gaartay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in inta aysan ka ambabixin Muqdisho muddo kooban lagu xanibay garoonka Aadan cadde isaga iyo wafdigiisa

“Kismaayo ayaan soo gaarnay, kaddib xayiraad kooban oo aan maanta kala kulanay aniga iyo wafdigayga gegida diyaaradaha ee Aadan Cadde” ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur oo qoraal kooban soo dhigay baryiisa Facebook.

Ma sheegin C/raxmaan C/Shakuur nooca ay aheyd xanibaada uu kala kulmay garoonka Aadan cadde iyo iyo cida ka dambeysay, dad badan ayaana isweydiinaya su’aalahan maadaama dowlada Somalia ay qaaday xanibaadii ka dhanka aheyd madaxda ku sii jeeda Kismaayo

C/raxmaan C/Shakuur ayaa ka mid ahaa wufuud maanta gaartay Kismaayo oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, Madaxweynayaashii hore ee Somalia Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud, iyo waliba siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan labada gole oo si weyn u mucaaradsan dowlada Madaxweyne Farmaajo, kuwaasoo dhamaantood ka qeyb galaya caleemo saaarka  Axmed Madoobe oo dhowaan taageerayaashiisu u doorteen madaxweynaha Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -